303 Views

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka oo waddamada reer Galbeedka ku eedeeyay inay ka dambeeyaan cuntada iyo shidaal yarida ka jirta caalamka

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka  oo  waddamada reer Galbeedka ku eedeeyay inay ka dambeeyaan cuntada iyo shidaal yarida ka jirta caalamka
____________________________________________________________________________

Arbaco july 27, 2022

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa waddamada reer Galbeedka ku eedeeyay inay ka dambeeyaan cuntada iyo shidaal yarida ka jirta caalamka, wuxuuna hadalkan jeediyay isagoo ku sugan dalka Itoobiya, oo qeyb ka ah socdaal lix maalmood soconaya oo uu ku marayo Africa.

Waxaa uu dalka Itoobiya kula kulmay, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo wakiilo ka socda urur diblumaasiyadeedka waddamo kala duwan.

Goor uu la joogay wakiiladaasi, waxaa uu sheegay in dhibaatada cunta yarida caalamka y bilaabatay bilowgii xannunka Covid-19 kahor dagaalka Ukraine.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladaha reer Galbeedka ay trillion dollar u adeegsanayeen inay ku iibsadaan cunto, iyadoo aysan jirin sabab la taaban karo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post