1083 Views

Gaari ciidan oo uu leeyahay madaxweyne kuxigeenka Puntland oo lala goostay

Gaari ciidan oo uu leeyahay madaxweyne kuxigeenka Puntland oo lala goostay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in gaari Ciidan oo uu leeyahay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ay la goosteen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Ciidanka Gaariga la goostay ayaa la sheegay in ay tirsanaayeen Ilaaladda Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, islamarkaana lasoo galeen dhanka maamulka Somaliland.

Kooxda Gaariga la goosatay ayaa gaaray degaanka Xudun ee gobolka Sool oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Somaliland, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Ciidanka Somaliland.

Dhawan ayay aheyd markii Ciidan kasoo goostay Somaliland oo hubkooda wata ay gaareen degaano ka mid ah maamulka Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment