849 Views

Qaraxyo Alshabaab ciidamada Itoobiya kula eegteen wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Qaraxyo Alshabaab  ciidamada Itoobiya kula eegteen  wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii weeraro qaraxyo ah ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Qaraxyada oo gaarayey illaa 5 ayaa waxaa ciidamada Itoobiya lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxyadaasi ayaa shaaca ka qaatay in ugu yaraan 10 askari ay dhimasho iyo dhaawac ugu geystay weeraradaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dhaawacyada askarta labo diyaaradood looga soo qaaday halkaasi.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post