912 Views

Safiirka UK Soomaaliya Kate Foster oo beenisay in ay taageertay Mudo kordhinta Villa Somaliya aqriso Warka Safaarada

Safiirka UK  Soomaaliya Kate Foster oo beenisay in ay taageertay Mudo kordhinta Villa Somaliya aqriso Warka Safaarada
____________________________________________________________________________

April 18, 2021

Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster, ayaa beenisay war ay faafisay xukuumadda Soomaaliya, kaas oo ku saabsan kulan dhexmaray safiirka iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Af-hayeenka xukuumadda Federaalka, Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa sheegay in kulanka labada mas’uul looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.

Balse, waxa warkaas beenisay safiirka Ingiriiska mrs. Kate Foster, taas oo sheegtay in ay Ra’iisul wasaare ku xigeenka kala hadashay xaaladda siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya, gaar ahaanna mudda kordhinta loo sameeyay dowladda.

Waxa Ra’isul Wasaare ku Xigeenka loo sheegay in dowladda UK aysan taageeri doonin muddo kordhin. Waxayna madaxda Soomaalida u soo jeedisay in miiska wada hadalka dib loogu laabto.” Ayay tiri safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post