1197 Views

Abiy Ahmed oo Ciidanka Federaalka ku bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah TPLF.

Abiy Ahmed oo Ciidanka Federaalka ku bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah TPLF.
____________________________________________________________________________


Talaado: December 7, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bogaadiyay howlgallada xooggan ee ka dhanka ah Xoogagga TPLF, Ciidanka federaalka ayaa gacanta ku dhigay saddex Magaalo oo istaraatiiji ah oo kala ah Dessie, Kombocha & Bati.

Sarkaal katirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howlgallada ay xooggeysteen tan iyo markii Abiy Ahmed uu tagay furinta dagaalka si uu u xoojiyo niyadda ciidamada federaalka.

Warbaahinta qaar ayaa sheegtay in Afhayeenka TPLF Getachew Reda uu ka gaabsaday in ka hadalka sheegashada Xukuumadda Abiy Ahmed guulaha ay ka gaartay dagaalka & halka ay ku sugan yihiin xoogagga Tigray.

Ciidamada Federaalka iyo xulafadooda ayaa toddobaadkii hore dib u qabsaday magaalada Lalibela oo hay’adda Qaramada Midobay ee UNESCO u aqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah.

Xoogagga TPLF ayaa dib uga gurtay Magaalooyin muhiim ah, Madaxweynaha ismaamulka Tigray waxa uu soo jeediyay in wadahadal la bilaabo si looga baaqsado dagaal cusub oo dhiig horleh uu ku baxo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post