306 Views

Mareykanka oo mamnuucay qalabka ay soo saaraan shirkado Shiinaha laga leeyahay

Mareykanka oo mamnuucay qalabka ay soo saaraan shirkado Shiinaha laga leeyahay
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Mareykanka ayaa mamnuucay iibinta iyo soo dejinta qalabka cusub ee ay soo saaraan shirkadaha isgaarsiinta Shiinaha.

Waxaa ka mid ah shirkadaha qalabkooda la mamnuucay “Huawei” iyo “ZTE”, sababo la xiriira waxa ay saraakiisha Mareykanka ku tilmaameen “walaac dhanka amniga qaranka.”

Shirkadaha kale ee liiska ku jira waxaa ka mid ah Hikvision, Dahua iyo Hytera, kuwaas oo dhammaantooda sameeya qalabka kamarooyiinka ammaanka iyo qalabka kale ee isgaarsiinta.

Waa markii ugu horreysay oo mas’uuliyiinta Mareykanka ay qaadaan tallaabo ceynkan oo kale ah sabab amni awgeed.

Dhanka kale, shirkadda Hikvision oo ka jawaabtay ayaa sheegtay in wax-soo-saarkeedu aanay wax khatar ah ku ahayn Maraykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post