Sabti: October 9, 2021
Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Guutada 8aad ee Qeybta 60aad .
Adan Shiniyow Ibrahim Wuxuu ahaa Sarakiisha Sare sare Al-Shabaab u qaabilsaana Jabhada wuxuuna ahaa Hogaamiye Ciidan gaareya 30-Askari, iyo Hagida Howlgalada iyo Abaabulka Dagaalada.
Aadan ayaa Alshabab ku jirey Mudo 10-sano wuxuuna ka soo howlgaley Deeganada Gobolada Hiiran ,Gedo, Baay ,iyo Bakool, isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo Dhowr ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo iyo Hiiran.
Taliska qeybta 60 aad ee ciidanka dowladda ayaa sheegay in Aadan uu isa soo dhibay ka dib markii uu xiriir lasoo sameeyay saraakiil ciidan.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________