Muqdisho, April 15, 2016: Shir sanadkiba mar la qabto, oo ay soo qaban qaabiyeen Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta dunida ee IMF ayaa ka furmay magalada Washington ee dalka Mareykanka kaasi oo ay ka qeyb galeen wafuud kala duwan oo ka kala socota dowladaha caalamka.
Soomaaliya ayaa shirkani waxaa uga qeyb galay wefdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Max’ed Aadan Ibrahaaim Farkeeti ayadoo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha caalamka, iyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay ku talaabsanayso dowladda Soomaaliya.
Prof. Max’ed Aadan Ibraahim Farkeetei Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hadlay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay heshiis dhawaan ay la galeen hay’adda lacagta aduunka IMF oo ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.
Shirkan ayaa socondoona mudo maalmo ah ayadoo la filayo in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo baxaan marka laga hadlaya arrimaha Soomaaliya, taas oo ka mid tahay in la cafiyo daymaha Soomaaliya lagu leeyahay.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________