6708 Views

Imaatinka Muqdisho ee Xildhibaan Faarax Macalin oo Aragtiyo kala duwan bulshadu ka qaadatay

Imaatinka Muqdisho ee Xildhibaan Faarax Macalin oo Aragtiyo kala duwan bulshadu ka qaadatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Maarso 11, 2017 –  Hadal heynta ugu badan ayaa ah Faarax Macalin oo ku soo biiray ololaha Golaha Wasiirada Somalia iyo Muxuu Muqdisho u yimid

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay xildhibaano iyo siyaasiyiin ay hormuud u yihiin xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, C/qaadir Maxamuud Dhaqane iyo siyaasiyiintii garabkii Asmara ee Maxkamadaha.

Faarax Macalin oo ay la socdaan siyaasiyiintaasi ayaa degdeg loo geeyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo uu kulan gaara uu hadda kula leeyahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin ayaa dhowaan hambalyo iyo bogaadin u soo diray Ra’iisal wasaare Kheyre markii xilka loo magacaabay isagoo sheegay inuusan jirin qof kaga haboon xilka.

Xogta ay heleyso somalisan.com ayaa sheegeysa in ujeedka Faarax Macalin u yimid magaalada Muqdisho ay tahay inuu Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo u hambalyeeyo, isla markaana ku dhiirigeliyo inay golaha wasiirada ku soo daraan shaqsiyaad karti iyo aqoon durugsan .

Faarax ayaa ku caan baxay taageeradii uu siiyay Shacabka soomaaliyeed xiliyadii Maxkamadihii islaamiga ahaa ee Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya la wareegay sanadkii 2006.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online – Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment