Muqdisho | Maarso 30, 2017 (QOL) Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Somaliya, Ambassador Olgan Beker ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Idaacadda iyo TV-ga Turkiga (The Turkish Radio and Television Corporation) ee TRT World.
Waxa uu tilmaamay inay Soomaaliya iyo Turkiga muddo dheer saaxiibo ahaayeen, islamarkaana uu sii xoogeysanayo xiriirkooda, lana filayo in ay Dowladda Turkiga dhawaan Muqdisho ka furaan xero cusub oo lagu tababaro ciiddanka.
“Ma,aha saldhig Millitari sida kan ay Turkiga ku leeyihiin dalka Qatar” ayuu yiri Ambassador Olgan Beker oo la hadlay Tv-ga TRT World, wuxuuna intaasi ku daray inaysan sax ahayn qaabka ay Warbaahinadda uga hadleen arrintaasi, kuna sheegeen inay Dowladda Turkiga Saldhig Millitari ka dhisanayso Magaaladda Muqdisho.
Mar wax laga weydiiyey hadafka Xeradda Tababarka Ciiddanka ee laga furayo Muqdisho waxa uu sheegay in lagu tababaro ciidanka DFS, isago oo sheegay inay xeradaasi halkii mar qaadi karto 1,500 Askari iyo 200 oo saraakiil Millitari ah.
Dhismaha Xerradaasi ayaa waxa la bilaabay bishii March ee sannadkii 2015-kii, wuxuuna ku fadhiyaa masaafo dhan 400 Hectares, oo ay ku dhex yaallaan 3 Dugsi ee Tababarka Millitari, Hool weyn oo la seexdo iyo Bakhaaro lagu kaydiyo Qalabka Millitariga.
Turkiga ayaa si muuqata Soomaaliya uga caawiyo dhanka ciidanka tababarkooda, arimaha Gar gaarka Bini’aadinimada iyo arimo kale.
.
.
.
_____________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________