4608 Views

Talooyin muhiim ah oo ku socdo Dowlada!

Talooyin muhiim ah oo ku socdo Dowlada!
____________________________________________________________________________

April 4, 2017

TALOOYIN MUHIIM AH OO KU SOCDA DOWLADA.

Somaalidu waxay tiraahdaa “Taladu waa Sedex

  • Mar aad gaari weydid.
  • Mar aad garan weydid.
  • Mar ay kula gudboon-tahay.

Aqristow maqaalkan waa ku celis, sababtoo ah Codsiyo nooga yimid qaar ka mid ah, aqrista yaasha website-ka oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Shacab, waana waa jib in aan Tixgelino Codsiga Aqristayasha

Si kastaba Golaha Shacabka waa Ansixiyeen wasiirada, iyagoo ka jawaabaya Codsigii dadweynaha, taasina waxay Cadeysay in uu jiro isbedel Siyaasadeed oo bilow ah, una bahan in horey loo wado, siloo gaaro GUUSHA ugu wayn oo ah Midnimo Qaran oo xambaarsan Sharaf iyo Karaamo Cizi leh., waayo horaa loo yiri deriskaa “intuu qabo qab, intuu rabana rab”

Sida lawada ogyahay, waxaa howl galay Golaha wasiirada Cusub, si loo dar dar geliyo wax qabadka wasiirada, iyagoo laga sugayo isbedel cusub oo ku saleysan Aqoon, Daacadnimo iyo Asluub wanaag.

Waxaa jira DHALIILO laga qabo shaqsiyaad lagu soo daray Golaha wasiirada in ay yihiin shaqsiyaad aan u QALMMIN Jagooyinka loo magacabay, haday noqon lahayd, ANSHAXA, Aqoonta iyo waya Aragnimadooda siyaasadeed.

Hadaba, Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa, talooyin aan is leenahay waa Muhiim, wax badanna u tari doono Dalka iyo Dadka.

Waana kuwan Talooyinka.

  • MD,waynaha iyo R, Wasaraha waa in ay Sharci ka dhigaan in Shaqsi kasta oo wasiir ah lagaSAXIIXO FOM LAYIRAADO (AN SHAXA IYO ASLUUB WANAAGA “Cord of Conduct” it means Moral values and Islamic Rights ), waayo waxaa jira shaqsiyaad mar walba lagu arko Hoteelada ama Xafiisyada Dowlada iyagoo laga dareemayo dhaqano aan ku fiicnayn Diinta Islaamka, Anshaxa iyo Dhaqanka Suuban. Sidaasi darteed Qof kasta oo Masuula waa in ay MAMNUUC ka tahay in lagu arko goobaha Bulshada isugu timaado isagoo ama iyadoo laga dareemayo ANSHAX XUMO ama la ogaado in uu ka soo baxay ama ka soo baxday meelo aan ku haboneyn Sharafta Xilka loo dhiibay.
  • Wasiir kasta waa in uu saxiixaa fomka“Ilaalinta Xuquuqda Shacabka iyo Dalka” it means to stay away illegal Spying” , wasiirkii ama Xildhibaankii lagu helaa in uu u Basaaso Sirta Dowlada wadamada Shisheeye ee ay la leeyihiin xiriir gaar ah ama mid dhaqaale ama ay ka heystaan Basaborada,  waa in si deg deg ah shaqada looga qaado, lana soo Taago Maxkamad Qiyaamo Qaran.
  • Wasiir kasta waa in uu ilaaliyaaHANTIDA Qaran ee lagu aaminay, waana in uu u Cadaalad falaa shaqaalaha ka shaqeeya Hey’adiisa.
  • Waa inay wasiiradaSAACAD ku soo galaan shaqada, Saacadna kaga baxaan, ee ma aha in wasiirkasta lagu arko Hoteelada laga Qaxweyo Saacadaha Shaqada.
  • Waa in la xadidaa Safarada wasiirada iyo Xildhibaanada, waayo mar walba waxaad arkaysaa, iyadoo shaqo laga rabo in ay aadaan safaro aan muhiim u ahayn Qaranka, waxaana ku baxa Qarash iyo waqti muhiim ah.
  • Xildhibaanada labada Gole waa in ay si fiican mar walba isha ugu hayaan Dhaqanka iyo Shaqada uu hayo wasiir kasta, si loo kor dhiyo wax qabadka dowlada, waayo waxaa tihiin ilaaliyaha wax qabadka dowlada, waana in aad sheegtaan wixii Amaan iyo Dhaliil ah.
  • Waa in labada Gole iyo Dowladu ka dhexeysaa wada shaqeyn ku saleysan AQOON IYO ASLUUB Wanaag, si wax looga qabto Soo celinta Amaanka iyo kala dambeynta, si loo helo Nolol iyo Nabad waarta.
  • Waa in Gacan adag lagu qabtaa Cid kasta ee isku dayda in ay hor istaagto Horumarka Dadka iyo Dalka, iyadoo la adeegsanayoSHARCIGA iyo CADAALADA.
  • Waa in shaqo loo abuuro Dhalinyarada, si loo yareeyo Tahriibka iyo Falalka Xun ee ay galaan Dhalinyarada.
  • Waa in dowladu bill kasta ay bixisaa Mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha, waana in ay noqdaan Ciidan QARAN oo la hubo iyo Shaqaale Qaran oo la hubo, waayo waxaa Mushaar la siiyaa Ciidamo Beleedyo iyo Shaqaale aan joogin Shaqada.
  • Waxaa jira Baahi badan oo looqaboCAAFIMAADKA iyo WAXBARSHADA, shacabka waxay aad ugu dhib qabaan Isbitalada Barayfitka iyo Iskuulada Barayfitka ah, waayo ma awoodaan in ay bixiyaan lacagaha ku baxa Caafimaadka iyo Waxbarashada maadaama uu san jirin dhaqaale soo gala bill kasta.
  • Waa in ay Dowlada Furtaa Xarumo lagu barto Farsamoyin Shaqo abuur ah, si loo helo Dhalinyaro badan oo aqoon u leh shaqooyin badan ama Xirfado badan oo kala duwan.
  • Laamaha kala duwan ee Ciidamada waa in ay shacabka ula dhaqmaan Si NAXARIIS iyo ASLUUB ah, Askarigii ku xad gudbo Qof shacab ah waa in si deg deg wax looga qabtaa, iyadoo la horkeenayo Sharciga.
  • Hogaamada laamaha kala duwan ee Ciidamada waa in ay Noqdaan Shaqsiyaad aqoon u leh Hogaaminta Ciidamada, si loo helo Ciidan Tayo leh, loona sugo ammaanka shacabka.
  • Lamaha kala duwan ee dowlada waa in ay ku saleeyaan Aqoon iyo Naxariis CANSHUURTA ay qaadayaan.
  • Waa in si deg deg ah loo soo celiyaa Hantida Qaranka ee isugu jirta Mid maguurta ah iyo mid Cadaan ah.
  • Wasiir kasta waa in uu soo gudbiyaa wax qabadkiisa 120 beri kasta, si shacabka u ogaado wax qabadka dowlada.
  • Hanti dhowrka Guud ee dowlada, waa in uu dabal gal ku sameeyaa wasaarad kasta, isagoo weydiisanaya wax qabadkooda Bilaha ah, “monthly report”, si loo ogaado waxa soo galay iyo waxa ka baxay bil kasta, si aan loogu tagri falin Hantida Qaranka iyo Shacabka.

Ugu dambeyn, waxaan rajaynayaa in ay talooyinkan noqon doonaan kuwo wax tar u leh Horumarka Dalka iyo Dadka, waxaana leeyahay ka qaata wixii anfac u leh shaqada aad u haysaan umada.

Shaqsi kasta oo u leh awood aqooneed iyo mid waya aragnimo, waxaan leeyahay ku caawi Fikirkaaga Dalkaaga iyo Dadkaaga, si aad u hesho Raxmada Rabbi, kuna soo hagaaji “Qaranimo-online”.

Somaalidu waxay tiraahdaa “Nabad la’aan waa nolol la’aan” ee Allow nasii Nabad waarta iyo Nolol Sharaf leh.

.

.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment