Muqdisho | April 14, 2017 –Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dalandoole oo kuyaalla duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Cudurka Shuban Biyoodka uu ka dillaacay halkaasi.
24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa Cudurka Shuban Biyoodka deegaanka Dalandoole ee Gobolka Baay ugu dhintay 13 ruux,waxaana lasoo sheegayaa iney Cudurka la ildaran yihiin dad u badan Carruur aad u da’yar.
Bukaano gaaraya 30 qof ayaa lasoo sheegayaa inuu soo ritay Cudurka kuwaasoo hada lagu dabiibayo Xarumaha Caafimaadka,Abaarta ka jirta dalka ayaa waxaa ka dhashay Cuduro kala duwan oo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________