Muqdisho | QOL | Augusto 15, 2017 – Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, Fartaag; ayaa ku guuleystay Kursigii uu ka tagay C/Raxmaan Maxamed Faroole ee xubinta Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal.
Fartaag,waxaa kursigan kula tartantay Shukri,waxaana Fartaag uu helay 24 cod halka Xildhibaanad Shukri ay heshay 22 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.
Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ayaa waxaa uu ka koobanyahay 10 Xubnood oo min shan xubnood ay ku leeyihiin Golaha shacabka iyo aqalka sare.
C/Raxmaan Faroole ayaa dhawaan u tartamay guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada gole,waxaana uga guuleystay Cabdi qeybdiid,kaddibna waxaa uu C/Raxmaan Faroole ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinimada Guddiga dib u eegista Dastuurka.
Waxaana Maanta ku tartamay Xildhibaan Fartaan iyo Xildhibaanad Shukri iyada oo uu ugu dambeyn ku guuleystay C/llahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________