Muqdisho | QOL | Augusto 16, 2017 – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa u sheegay Qaranimo on line in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenkii maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.
Xildhibaan ka mid ah kuwa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guudlaawe oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Faarax ayaa in 54 Xildhibaan ay xaadireen kulanka xilka looga qaaday Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
Xildhibaanka ayaa sheegay in waxa ka socda Hirshabeelle ay yihiin fashil siyaasadeed oo ay ku lug leedahay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabeelle ee ku jira Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay faragelin ku hayaan Maamulka Hirshabeelle oo ay ka shaqeynayaan in uu maamulkaas bur buro.
Waxaa uu intaas raaciyay in Xildhibaannada ku jira Federaalka ee ku lugta leh khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle ay Maxkamad la tiiogsan doonaan.
,
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________