4227 Views

Sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo 18 sano xabsi ah lagu xukumay

Sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo 18 sano xabsi ah lagu xukumay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 October 2015 –War ka soo baxay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa, la sheegay in askari ka tirsanaa howl galka AMISOM ee Soomaaliya lagu xukumay 18 sano oo xarig ah, ka dib marki lagu eedeeyay inuu shidaal xaday, isla markaana iibsaday.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Col. Eugene Ssebugwawo ayaa mas’uul ka ahaa Saadka iyo Maamulka Kooxda Guutada sagaalaad, waxaana si xatooyo ah u iibsaday shidaalka Ciidamada isticmaalayeen.

Col. Eugene Ssebugwawo ayaa lagu soo eedeeyay inuu iibsaday 7000-8000 oo liitar shidaal ah, kadib baaritaan dheer ay sameeyeen saraakiisha Uganda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Maj. Gen Levy Karuhanga ayaa sheegay inuu qirtay dacwada lagu soo oogay, waxaana uu xusay inuu galay dambi khiyaano ah oo qatar ku ah sii socoshada howl galka AMISOM.

Maxkamadda ayaa sheegtay inuu racfaan ka qaadan karo Sarkaalkan muddo 14 maalmood gudahood.

Ma ahan markii u horeysay ee Saraakiil ka tirsan AMISOM dambiyo la xiriira wax is daba marin iyo xatooyo lagu soo eedeeyo, waxaana sanadkii hore saraakiil dhowr ah lagu helay inay hubka iyo rasaasta iibsadaan.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment