Muqdisho | QOL | 09 September 2017 – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadin Mareykan ah uu qirtay dambi ah in uu ku biiray Al-Shabaab,islamarkaana uu u safray Soomaaliya si uu uga helo tababar millatari Al-Shabaab.
Ninkaan ayaa la sheegay in uu sidoo kale taageero Maaliyadeed uu siiyay Al-Shabaab.
Maalik Alim Jones, oo ah 32-jir, ayaa sheegay in uu doonaayo in dhammaan dambiya laga qafiifiyo xukunkooda, maadaama uu qirtay kahor inta uusan hor imaan garsooraha degmada District Paul Paul Gardephe ee Manhattan.
Jones ayaa qirtay in uu qori AK-47 ah uu adeegsaday intii uu joogay Soomaaliya.
“Waan ogaa in ficilladaydu ay xadgudub ku tahay sharciyada Mareykanka,” ayuu yiri Jones.
Qeyb ka mid ah qirashadiisa, Jones waxay ogolaatay in uusan qaadan karin Racfaan xukun kasta oo ka yar 50 sano. Wuxuu wajahayaa xabsi daa’in .
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________