Muqdisho, Nofeembar 11, 2018 —Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in kaliya ay ahmiyad siiyaan shaqaalahooda joogo Magaalada caasimada ah iyo hareeraheeda.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay dhowr jeer shaacisay in ay bixiyeen dhamaan mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda balse ay kaliya bixiyaan sida uu sheegay mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ee Magaalaa Muqdisho ku sugan.
“Shaqaalaha iyo Ciidamada ay sheegayaan in ay siyeen mushaaraadka waa kaliya kuwa Xamar iyo meelaha ku dhaw joogo oo kuma jiraan kuwa maamul goboleedyada”ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas.
Eedeymahaan ayaa imaanaya xili xiisad siyaasadeed oo xoogan ay u dhaxeyso madaxda Maamul Goboleedyada iyo Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya.
W/Q:-Bashiir Barre Ali
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________