Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Kadib kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey.
Xildhibaanka oo Wareysi siiyay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Guddoomiye Muudey uu Xildhibaanada ku sameeyay Xadgudub,isla markaana Xarunta Baarlamaanka uu ka dhigay dugsi Quraan oo kale.
Waxa uu sheegay in intii lagu guda jiray Kulankii Maanta ee uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli muudeey uu kula dhaqmay fal ka baxsan Xeer Hoosaadka Golaha Shacbaka.
“Maanta qalad weyn ayuu sameyay Guddoomiye Muudeey wax auu xildhibaanada u diiday waxyaabo ay xaq u leeyihiin oo uu xeer hoosaadka u ogolaanayo taas ah ra’yigooda soo jedineed ama diidmeed ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadi Cosoble
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________