Muqdisho | QOL | April 08, 2019 Iyada oo maalmahaan ay taagneyd xiisad ka dhalatay amar kasoo baxay Guddoomiye Yariisow oo ku saabsaneyd in la baneeyo Xerada Ciidamada Badda ee Mariino una dhaxeysay Senator Muuse Suudi oo ka mid ah Mas’uuliyiinya degan iyo Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa waxaa ka hadlay duqa Magalada muqdisho.
Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in Go’aankaasi horay uga soo baxay uu yahay sidiisii,isla markaana aysan jirin cid ka hor-imaan karto,isla markaana maleeshiyaad keensan karta.
”Xeradaas waa Xero Dan guud waa la yaqaanaa cida maanta ku doodeyso dukumiinti ayan u heystaa waa nasiibdarro marka horeba in dukumiinti lasiiyo ma aheyn laakin waxaa la gaaraa in maxkamad lasoo taagayo Hoggaamiye Kooxeed iyo cid kasta oo dembi gasha ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Xerada Ciidamada Badda ee Ex-Mariin oo ku taalla Dhul Xeebeedka degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu sheegay in la dejin doono diblumaasiyiin si bilicda Magalada u soo laabato.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________