Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Nin hubeysan ayaa xalay Salaadii Maqrib kadib waxaa uu Nabadoon Caan ka ahaa deegaannada Gobolada Jubbooyinka uu ku dilay Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Rashiid Dhurre Cumar ayaa xilligii la dilayay waxa uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Maqrib oo ku yaalla halka loo yaqaano Dalcad oo ka tirsan Xaafada Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in rasaas ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.
Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in Nabadoonka dilkiisa uu ka dambeeyay Nin sitay Qori AK47, sidoo kalena uu dhaawacay laba qof oo la socotay , isla markaana Ninkii ka dambeeyay falkaasi uu goobta ka baxsaday
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hay’adaha Ammaanka faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dilka xalay Kismaayo loogu geystay Suldaan Rashiid Dhurre Cumar.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________