825 Views

Mareykanka oo ciidamo u diraya Ciraaq

Mareykanka oo ciidamo u diraya Ciraaq
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 1, 2020—Mareykanka ayaa sheegay in ay ciidamo dheeri ah u dirayaan Bariga Dhexe, ka dib markii dad mudaaharaadaya ay weerareen xarunta safaaradda Mareykanka ee dalka  Ciraaq,isla markaana dab qabadsiiyay dhismahaasi.

 

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa war qoraal ah ku sheegay in ilaa 750 askari oo ka socda qeybta gurmadka degdega ah ee 82-aad ee ay diyaar u yihiin in ay geeyaan gobolka dhowrka maalmood ee soosocda.

 

 

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka jawaabaya weerarka  ayaa sheegay in Tehran ay si buuxda mas’uul uga yahay waxa ka dhacay safaaradda dalkaasi ee Baqdaad.

 

Caro ka dhalatay duqeyn Mareykanku uu Axaddii ku dilay tiro ciidan ah ayaa sababtay in boqolaal dad ah ay ku soo xomaan safaaradda Mareykanka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment