Mogadisho | QOL | September 13 2020—Xaafadda Arbacow deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay saldhig militari waqti dheer ku leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika waxaa xalay ka dhacay dagaal dhexmaray Askarta AMISOM iyo Al-Shabaab.
Dadka xaafadda ayaa Mustaqbal ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas lagu ridayay Saldhigga AMISOM ee Arbacow iyo mid kasoo dhaceysay goobaha hore ee xerada laga ilaaliyo oo ay ku jawaabayeen Askarta Midowga Afrika.
Muddo daqiiqado ah ayuu dagaalka socday, waxaana istaagay isu socodka Dadka u dhaw Xaafadda Arbacow oo xadidan xiliyada habeenkii, maadaama wixii ka dambeeya salaadda Maqrib uu istaago dhaq-dhaqaaqa dadka deegaanka.
Khasaaraha rasaasta AMISOM & Al-Shabaab ay is dhaafsadeen waxa uu ku egyahay labada dhinac, maadaama aan lasoo warin waxyeelo gaartay dadka deegaanka Ceelasha Biyaha, sabab la xiriirta in ay ku sugnaayeen guryahooda.
Todobaadyadii lasoo dhaafay saldhiggaan Arbacow oo ay sanado ku sugan yihiin Ciidamada Uganda oo qaybta 1-aad howlgalka Midowga Afrika ah waxaa ku kordhay weerarada Al-Shabaab.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo saldhig ku leh isla Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa howlgalo baaris ah sameeya weerarada kadib, xiliyada qaar waxaa xerada AMISOM lagu tuuraa Hoobiyaal, halka ay iyanna ay ka jawaabaan.
Mustaqbal
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________