Mogadisho | QOL | September 22 2020—Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey ciidamada AMISOM qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar.
Booqashada ayaa qeyb ka ah isbarasho ee uu ku marayo dhammaan lixda waaxood ee AMISOM.
Ciidamada Burundi oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaas oo xarun u ah dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90km u jirta Muqdisho.
Taliyaha ayaa madaxda ciidamada AMISOm kala hadlay dardargalinta waxqabadka ciidamadaasi iyo ka qeybqaadashada dadaalkaloggu jiro soo celinta nabadda,ka hortagga Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay in ay ka qeyb ka noqdaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ______________________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________