Muqdisho | QOL | January 06, 2021–Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada London ee dalka ingiriiska ku geeriyooday Wariyihii hore ee Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga Axmed Cabdi Nuur oo maalmahaan xanuunsanaa.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Axmed Cabdi Nuur uu u geeriyooday Cudurka safmareenka ah COVID-10, kadib 16 maalin oo uu la xanuunsanaa.
AUN Axmed Cabdi Nuur ayaa ka mid ahaa wariyeyaashii ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.
Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fariistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Afsoomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan u wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Geerida Axmed Cabdinuur, isaga oo uga tacsiyadeeyay ehellada iyo saaxiibadii uu ka baxay.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaalieed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee wariye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa tiirarka Warbaahinta Soomaaliyeed. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________