Muqdisho, 07 February, 2016: Dowladda Somalia ayaa adkeysay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana maanta laga furay gudaha garoonka Saldhig Booliska leeyahay.
Dadaalkan, ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan dayaarad ay laheyd Shirkadda Daallo oo garoonka ka kacday uu qarax dhinaca midig ka dalooliyay, ka dibna ay si deg deg ah ugu soo noqotay garoonka. Baaritaanka shilkaasi la xiriira ayaa uu socdo.
General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, ayaa waxaa uu Amisom uga mahadceliyay saldhiga cusub, ee dhismahiisu ay ka hirgeliyeen Garoonka Aadan Cadde.
Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay, ayaa Beesha Caalamka kaga mahadceliyay inay fududeysay dhismaha saldhiga, halka Amisom ay qalabayn ku sameysay saldhiga laga furay Garoonka Aden Cade.
C/naasir Maxamed Cali, ayaa Beesha Caalamka iyo Amisom u
gu baaqay inay Somaliya ka caawiyaan, dadaalada ay ugu jirto, sidii ay u xoojin laheyd ammaanka dalka oo dhan.
—————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________