Mas’uuliyiinta waxbarashada ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo sheegay in imtixaanka dugsiyada sare ee sannadkan loo qaadi doono qaabkii hore ee loo qaadi jiray
Sabti: 13/2/2021
Mas’uuliyiinta waxbarashada ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in imtixaanka dugsiyada sare ee sannadkan loo qaadi doono qaabkii hore ee loo qaadi jiray kaddib markii sida ay sheegeen uu u suurto gali waayey qorshihi ahaa in qaab online ah imtixaanka sannadkaan lagu qaado.
Wasaaradda waxbarsahada ee dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa horay u sheegtay in imtixaanaadka dugsiga sare lagu qadayo qaab online ah iyada oo arday kasta koombiyuutarrada yaryar ee tableetka la siinayo sidaana ay imtixaanka ku galayaan balse ay arrintaasi dhaqangeli weysay caqabad jirto darteed.
Cabdulqaadir Maxamed Shukri oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada dowlada deegaanka Soomaalida ayaa BBC uga warramay caqabadaha ka hor yimid qaabkii online-ka ahaa ee lagu waday in imtixaanka lagu qaado iyo siyaabaha haatan lagu qaadayo.
Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________