April 26-2021
Dagaaladii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaaMuuqaal kooban ka soo duubay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxa uuna sheegay in xaalada la dajiyo.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadal kooban soo duubay ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacay Muqdisho, isla markaana xalka ugu haboon ee arrintaas lagu xalin karo yahay wadahadal.
Ciidamada amniga ayuu faray in ay gutaan waa jibaadkooda oo ay dhowraan oo ka hortagaan khatar kasta oo bulshada dhibaato u keeni karta.
Sidoo kale Shacabka ayuu ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida Muqdisho
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________