.
Talaado: july 6 2021
Wararka ka imaanaya saakay Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Galmudug ay dib ula wareegeen degmada Bacaadweyne iyo tuulooyin hoosyimaad oo dhowaan Al-shabaab qabsatay.
Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya dadka degaanka, ayaa sida wararku sheegayaan dib u qabsaday Bacaadweyne iyo tuulooyinka hoostada, halkaas oo todobaadyadii u dambeeyay Al-shabaab gacanta ku haysay.
Ciidamada ayaa xalay ka kala ruqaansaday degmada Wisil si ay jihooyin kala duwan uga weeraraan degaanada ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.
Saraakiisha hogaaminaysa gulufkaan dagaal ayaa laga soo xigtay in hor imaad kooban uu kacay degmada Bacaadweyne gudaheeda, isla markaana ay isaga baxeen ururka Al-shabaab.
.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________