Isniin: july 12, 2021
Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaacisay qorshe ay saami kamid ah shirkadeeda isgaarsiinta uga iibineyso shirkado gaar loo leeyahay si shirkadda isgaarsiinta ee dowladda loo horumariyo isla markaana wax looga baddalo maamulka shirkaddaas.
Waxaana tallaabadan looga golleeyahay in lagu dhaqaaqo iskaashi dhanka istaraatiijiyadda oo saami looga iibinaya shirkadaha gaarka loo leeyahay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in golaha wasiirada ay ansixiyeen sharci hagayaa sida saamiga kamid ah shirkadda loo iibinayo.
Jabuuti waxay dakhli badan ka heshaa wadammada shisheeye ee saldhigyada milateri ku leh iyo dekedaha ku yaalla halkaas.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________