10803 Views

Kenya oo go’aan adag ka qaadatay qaxootiga Kakuma iyo Dhadhaab

Kenya oo go’aan adag ka qaadatay qaxootiga Kakuma iyo Dhadhaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 7, 2016: Dowlada Kenya ayaa sheegtay inaysan wax badan aan qaxooti laga aqbali karin gudaha dalkeeda, sida ay dowladdu ku sheegtay war qoraal ah oo kasoo baxay kaas oo xirintaankeeda lagu sababeeyey arrin amni ku saabsan..

“Dowladda Kenya oo tix-gelinaysa qorshaheeda amni iyo nabad-galyadeeda, waxay go’aansatay inay albaabada isugu laabto xeryaha qaxootiga,” ayaa lagu yiri warbixinta uu qalinka saaray wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Karanja Kibicho.

Marka tilmaantan la raacana, qaxootiga magan-galyo doonka ah ee dhawaan yimid maheli doonaan wax qaabilaad ah, halka dowladdu hadda dib u bilaabayso celinta kuwii hore?

Kenya ayaa qaxooti gaaraya 550,000 ku qaabishay labada xero ee Kakuma iyo Dadaab — oo ah labada xiro ee ugu waaweyn caalamka ee qaxooti badigood kasoo hayaamay dalka Soomaaliya.

“Farriintu way iska cadahay. In badan ma aqbali doono qaxooti cusub inay dalkeenna joogaan,” ayuu yiri Mwenda Njoka, afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

Njoka ayaa xusay in –waloow qorshahan cusub uu kaliya ku foolan yahay Soomaalida qaxootiga ah — uu hadana saameyn doono qaxootiyada kale. “Kuwa dhibta wada waa Soomaalida. Waana iyaga kuwa aynu ka bilaabayno,” ayuu yiri.

Kenya ayaa qaabishay qaxootiga u badan Soomaalida tan iyo 1991 dhicistii xukuumaddii dhexe ee”AUN”Jeneral Siyaad.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment