Muqdisho, September 28, 2016: Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay, Alle ha u naxariistee, wariye C/Casiis Maxamed Cali Xaaji oo shalay gelinkii dambe lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Marxuumka oo kamid ahaa shaqaalaha Idaacadda Shabeele ayaa la dilay xili uu ku sugnaa degmada Yaaqshiid, waxaana maanta lagu aasay Qabuuraha Iskuul Bolisiyo ee Xamar ja-jab.
Wariyaal badan, saaxiibo iyo ahal, ayaa aaska ka qeyb galay, waxayna alle uga baryeen inuu naxariisto janno Alle siiyo dambigasana dhaafo.
Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dilka wariyaha, waxaana laamaha amaanka ay ka dalbadeen iney cadaalada horkeenaan dadkii ka dambeeyay falkaas.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________