Muqdisho | Maarso 27, 2017 – Xildhibaanka aqalka sare ee Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole aya ka hadlay khilaafka ka taagan golaha wasiirada cusub.
DHAGEYSO:
Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ku sugan dalka Australia ayaa lasoo xiriiray qaar kamid ah saxaafadda Soomaaliya, wuxuuna bixiyey wareysi qiimo badan oo uu ku dalbaday in si deg deg ah loo ansixiyo golaha wasiirada.
Dadka Baarlamaanka waxaan u gu baaqaaya odey Soomaaliyeed ahaan, xubin aqalka sare oo baarlamaan ku jira ahaan, oo aan hada maanta idinla joogin, Waxaas hada aan maqmaqlayo yaan ummada aduunka idinla yaabin, dadka soomaaliyeed ee wax kala garanaya idinla yaabin” ayuu yiri Faroole oo la hadlay saxaafadda.
Golahaasi wasiirada sida ay u keeneen raggii loo xilsaaray dowladda ee loo doortay, oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynihiisa oo la tashaday ay ka midyihiin, waxaan lee yahay sidii ra’isalwasaaraha lagu ansixiyey oo kale ha lagu ansixiyo , sidaasi ayaan codsanayaa, sidaasi ayaa xalku ku jiraa ,sidaasi ayaana ku dhaarateen dalka inaa u shaqeysaan
Ugu dambeyn, hadalka Faroole ayaa imaanayo xilli ay xaalad aad u kacsan ka jirto ansixinta golaha wasiirada markii ay is hor istaag ku sameeyeen qaar badan oo ka tirsan xildhibaanada oo uu horkacayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________