Muqdisho | April 18, 2017–Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir ayay kaga soo horjeesteen Hoggaanka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee dhowaan la doortay, kaddib war qoraal ah oo ay maanta soo saareen.
Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir ayay qoraalkooda ku sheegeen in aysan wax kalsooni ah ku qabin Hoggaanka Rugta Ganacsiga, iyadoo ugu baaqay dowladda inay fara gelin ku sameeyeen khilaaf ka taagan rugta ganacsiga.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in rugta ganacsiga ay ku fashilantay wada shaqeynta Ganacstada Soomaaliyeed, waxaana ay tilmaameen in aanay matalin hoggaanka rugta ganacsiga, Ganacsatada Soomaaliyeed.
Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Guddiga Ganacstada Gobolka Banaadir:-
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________