Muqdisho | Abriil 21, 2017 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah ururka Naafada Qaranka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay Muqdisho.
Xubnahan kulanka la qaatay Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay u soo bandhigeen dhibaatooyinka gaarka u ah iyaga ee ay doonayaan inay Dowladda Dhexe wax ka qabato.
Guddoomiyaha Golaha Naafada Soomaaliyeed Sayid Cali C/laahi Salaad, ayaa sheegay inay Dowladda Dhexe ka rabaan in Dastuurka lagu daro qodobo caddeynaya Daryeelka ay leeyihiin Dadka Naafada ah.
Salaad ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ugu fadhiyaan in ay sameyso sharci qeexaya xuquuqda ay Dalka ku leeyihiin Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in laga shaqeyn doono dib u soo nooleynta wakaaladdii qaabilsaneyd Daryeelka Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Mudane Jawaari, ayaa ballan qaaday in Golaha Naafadda laga qeyb gelin doono dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, si ay u helaan xuquuqdooda.
Ma jiro tira koob rasmi ah oo qeexaya tirada Dadka Soomaaliyeed ee qaba baayihaha gaarka ah, waxaana xusid mudan in Dadka lixaadkoodu dhiman yahay ay qudhooda kala duwan yihiin dhan kasta.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________