Muqdisho | QOL | December 13 ,2017 —Maxkamad hoostagta Xarakada Al-shabaab kuna taalla Gobolka Shabeellaha hoose ayaa xukun gacan gooyn ah ku fulisay wiil 19 jir ah oo lagu eedeeyay in uu hanti badan xaday.
Maxkamadda Al-shabaab ee degaanka Kuunya barrow ayaa waxaa ay gacanta ka goysay C/Fitaax Cismaan Axmed oo 19 jir ah,kaas oo lagu eedeeyay in 5; Guri oo ku yaalla degaankaas uu ka xaday lacag dhan $5,000 oo Doollar,Taleefanno,Computerro iyo hanti kale.
Qaaddiga Maxkamadda Al-shabaab ee Kuunyabarrow ayaa eedda C/Fitaax ka aqriyay fagaaraha la isugu keenay dad badan oo akq eybgalay waxaana uu xusay in wiilka 19 jirka ah uu qirtay eedda loo soo jeediyay sidaasna loogu fuliyay Xukunkiisa.
Qaaddiga ayaa sidoo kale waxaa uu Wiilkaas ku xukumay in uu dib u bixiyo Hantidii uu ka dhacay degaankaas iyada oo isla goobta looga jaray mid ka mid ah labadiisa gacmood.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________