5211 Views

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo Muqdisho soo gaaray

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 18, 2015 – Mudaneyaal ka tirsan barlamanaka dalka Kenya ayaa manta soo gaaray magaladada Muqdisho ayagoo wada hadallo la leh qaar ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka tirsan wafdiga baarlamaanka Kenya oo ah sagaal xubnood, ayaa garoonka diyaaradaha warbaahinta ugu sheegay in socdaalkoodu uu ku saabsan yahay xiriirka labada baarlamaanka ee Kenya iyo Soomaaliya.

“Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya arrimo badan, waa labo dal oo walaalo ah, inta an joogno barlamanka somaliya waxaana la yeelan doona wada hadallo ku aaddan adkaynta xiriirka labada dal, gaar ahan labada baarlamaan oo matala shacabka.”ayuu yiri xildhibaan Ilyaas Barre Shiil

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyay waftigan ayaa tilamaamay in wada shaqeynta labada Baarlamaanka ee labada dal ay tahay mid muhiim ah, maadaama xiriir iskaashi uu ka dhaxeeya labada waddanka.

“Waxaana rajaynaa in aan ka wada hadalno arrimo badan oo dan u ah labada dal (Somalia iyo Kenya) ee jaarka ah, walalaha ah, cilaqaadka fican uu ka dhexeeyo, arrimaha ku saabsan amniga , ama hanoqoto is dhexgalka bulshada” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Carab.

Ilyaas_Barre_Shiil_Kenya_Xildhibaan

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment