4749 Views

RW ku xigeenka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayey xanaanaynta agoonta

RW ku xigeenka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu daah furayey xanaanaynta agoonta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24, Agust, 2015 – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka qayb galay xaflad uu soo qaban qaabiyey  Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Bashiir  Maxamed Jaamac Goobe  oo ay  ku kala saxiixanayeen heshiis is afgarad Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Asluubta. Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa wareejinta gabadho agoon ah oo maamulka gobolka banaadir gacanta ku hayey.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Amniga Qaranka C/Risaaq Maxamed Cumar, Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Sahro Cali Samatar, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda marwo Fahma Axmed Nuur, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,  Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo Saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo Booliska.

Ugu horayntii Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Goobe ayaa ka hadlay howlaha baaxada leh ee taliska ciidanku wado, taas oo ay qayb ka tahay xanaanaynta iyo waxbarashada caruurta darbi jiifka ah iyo agoonta.

“Waxaa maanta sharaf ii ah inaan halkaan ku saxiixo heshiis is afgarad oo dhex maray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska, heshiiskaan ma noqonayo mid warqad laysaga qoray ee waa heshiis dhaqan galkiisu bilowday. Waxaan horay ugu guulaysanay inaan soo aruurino caruurta darbi jiifka ah, maanta wax weyn ayaa noloshooda iyo muuqaalkooda iska badalay, maanta sida meesha ka muuqata waxaan ku daraynaa 30 gabdhood oo agoon ah, waana arin bilow ah. Waxaa intaas dheer in maanta xabsigeena oo mudo ahaa meel ay ka jireen duruufo adag uu maanta u sii xuubsiibanayo goob wax barasho iyo dhaqan celin, waxaana hada diyaarinteedii aan ku guda jirnaa goobihii lagu rakibi lahaa qalabka farsamada ee kala duwan, waxaana arinkaan gacan weyn ka gaystay hirgalinteeda shirkado Soomaaliyeed iyo Hay’ado wadani ah” ayuu yiri Jeneral Bashiir Goobe

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane mudane Muungaab ayaa sheegay in siyaasadda maamulka gobolka ay qayb ka tahay taageerida dadka danyarta ah iyo u adeegida Agoonta, waxaana u mahadceliyey ciidanka asluubta oo loo aqoon jiray ciidanka xabsiyada kaliya in ay maanta noqdeen ciidan ka shaqeeya daryeelka bulshada.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in mudo 25 sano kadib maanta ay muuqato in dadka Soomaaliyeed bilaabeen in ay isku tashtaan, meeshana ay ka  sii baxayso oraahdii ahayd Hay’adaha Samafalka wax noo weydiiya.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad naxariis badan, is jecel oo is kaalmeeya, waxaa lo baahan yahay cid u istaagtaa in dadka la baro in shacabku isku filan yahay oo wax qabsan karaan. Waxana xasuus naataan qiimaha uu leeyahy in qofka Islaamka ah uu xanaaneeyo Agoon ay meel sare uga jirto diinta Islaamka, tusaale ahaan, Nabigeena Muxamed CSW wuxuu ku soo koray nolol Agoonimo, mudo 10 sano gudaheedna wuxuu nolosha ku soo qaatay sadex guri oo kala duwan, taasi waxay ka turjumaysaa in dadka Islaamka ah la tuso in agoonku markasta u baahan yahay in la gacan qabto. Waxaana halkaan uga mahadcelinayaa taliyaha ciidanka Asluubta oo u istaagay in la gacan qabto agoonta iyo ciyaalka darbi jiifka ah, waxaana dowlad  ahaan balan qaadaynaa inaan la garab istaagno taageero dhinac kasta ah” ayuu yiri RW

ø;
ø;
ø;
ø;
ø;
ø;
ø;
ø;
ø;
ø;
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment