6519 Views

Baarlamanka F. S. oo maanta ansixiyay sharciga shaqaalaha ajaanibta ah

Baarlamanka F. S. oo maanta ansixiyay sharciga shaqaalaha ajaanibta ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Agoosto 31, 2015 – Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga shaqaalaha ajnabiga ah kaasoo maalihii la soo dhaafay ay mudanayaashu ka doodayeen.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in mudanayaasha baarlamanku ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharciga shaqaalaha ajaanibta ah.

Xildhibaan Cawad ayaa intaasi ku daray in sharcigan uu wax weyn ka tarayo la socodka shaqaalaha ajaanibta ah ee soo gala dalkeenna.

Wuxuu intaasi raaciyay in mudanayaasha baarlamanku ay si qota dheer uga doodeen sharcigan islamarkaana ay maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamanka Xildhibaan Cawad ayaa hoosta ka xariiqay iney jiraan dad ajaanib ah oo soo gala dalkeena, kuwaasoo qabta shaqooyin an lagu ogeyn, isagoo tibaaxay in sharcigan uu sahlayo la socodka shaqooyinka ay dalka ka qabanayaan dadka ajaanibta ah.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment