4182 Views

Xanuun badan ayay nagu haysaa Shaqo la’aanta Dhallinyarada

____________________________________________________________________________

 

Wasiirka-dhalinyarada

Muqdisho, 10 October 2015 –Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux   ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay dhibayso shaqo la’aanta haysata Dhallinyarada Soomaaliyeed xilli dalka la doonayo inay Horumariyaan  Dhallintiisa.

“Xanuun badan ayay nagu haysa shaqo la,aanta dhallinyarada xarumaha waxbarashada waxa ay soo saaraan dhallinyaro aqoon leh kuwaas oo u baahan in ay helan shaqooyin wanaagsan, ka wasaarad ahaan shaqo abuurka dhallinyarada waxa ay noo tahay ahmiyadda koowaad” Ayuu yiri Wasiir Nuux.

Wasiirka ayaa  tilmaamay in ka wasaarad ahaan ay  Arrimaha Horumarinta Dhallinyarada  Dadaal dheeriya ku bixidoonto si dalku uu u helo Awoodda Dhalliyaradiisa.

“Wasaaraddu si shaqo loo helo waxa ay diyaarisay 20 Dhallinyaro kuwaas oo labaray xirfadda gacanta si shaqadooda ay u horumariyaan Wasaaraddu waxa ay siisay qalab ay ku fuliyaan shaqadaas arrintaasna wasaaraddu way kuguulaysatay” Ayuu yiri Markale Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Horumarinta waddan kasta oo dunida ku yaalla waxa ay ku xiran tahay dhallinyaradiisa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaana si arrintaas loo helo wadda dadaallo waxbadan loogu qabanayo Dhallinyarada si niyad ay ugu yeeshan horumarinta dalkooda.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment