6801 Views

Warar ku saabsan diyaarad xalay ku dhacday Carbiska

Warar ku saabsan diyaarad xalay ku dhacday Carbiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13 October 2015- Warar ku saabsan diyaaradi xaly ku dhacday deegaanka Carbiska ka dib marki ay u suurta- geli weyday inay ku soo degto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ayaan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin dowlada waxaa lagu wadaa in goor dhow ay dowlada ka hadasho hase yeeshee waxaa diyaarada oo baalasheeda ay burbureen ilaalinaya ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada.

Shaqaalaha diyaarada oo kaliya oo saarnaa diyaaradan ayaa la rumeysan yahay in ay u kireysnayd ciidamada AMISOM.

Mid ka mid ah shaqaalha diyaarada ayaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray hase yeeshee waxaa wararku shegayaan in inta kale ay bad qabaan.

Shaqaalaha saarnaa diyaarada oo dhammaantood Masaari ah ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay

Taariq Bayonmay,Saalax Cabdi Saadaq,Maxamed Subxi,Axmed Baradaj,Calaa Raflax iyo Shaxata Shanoni.

Waxaa goordhow lagu wadaa in laga dajiyo xamuulka saaran diyaarada oo aan la ogeyn waxa uu yahay.

Waa markii ugu horeysay ee diyaarad awoodi weysay inay ku degto garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku dhacdo duleedka magaalada Muqdisho inta la ogyahay.

cargo-air-4

cargo-air-3

cargo-air-1

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment