5685 Views

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka oo lagu soo dhoweeyay Turkiya!

Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka oo lagu soo dhoweeyay Turkiya!
____________________________________________________________________________

Ankara | 15th October 2015 | Waxaan shalay galab (14/10/2015) soo gaaray dalka Turkiga magaala madaxdiisa Ankara wefdi uu horkacayay Wasiirka Gaadiidka Cirka & Dhulka Mudane Cali Axmad Jaamac (Jangali) Wefdigaas oo lagu wado inay isku arkaan maanta madaxda iyo saraakiisha Saadaasha Hawada ee maamulka Soomaaliland.

Waxaana sida la ogsoon yahay ay Xukuumadda Turkiga ay ka qaadan doontaa shirkan dowrka kaga aaddan isu-soo dhowaanshaha iyo is-fahamka labada dhinac, gaar ahaan marka ay timaada mas’uuliyadda agaasinka hawada geyiga Soomaaliyeed .

Wefdigaas oo ka koobnaa afar xubnood waxaa socdaalkooda ku wehliyay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Warfaafinka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Xasan , waxaana si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka Dayaaradaha Caasimada Turkiya ee Ankara Sii-Hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay dalka Turkiga Qunulka ahna La-Taliyaha Koowaad Xuseen Maxamud Maxamed iyo dhamaan saraakiisha Safaarada ka hawl gasha, gaar ahaana Xoghayaha Labaad Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) iyo Ku-Qaybsanaha Arrimaha Ganacsiga & Warshadaha Safaaradda Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) .

.

.

Sources: By Banadir.com

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment