5583 Views

Ciidamada NewBolis ee Ethiopia oo 23 qofood ku dilay Xadka.

Ciidamada NewBolis ee  Ethiopia oo  23 qofood ku dilay Xadka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 07, 2015 – Waxgarad ka soo jeeda gobolada Galbeedka Soomaaliya, ayaa xaqeejiyay in ciidamada ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee New Boolis inay laayeen dad reer guuraa ah.

Nabadoon ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in maalintii shalay ahayd ay ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya dileen dad shacab ah oo reer xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan ku dhaw xadka ay wadaagaan Labada dal, gaar ahaan dhanka gobolka Galgaduud.

Ninkaan odaga ah ayaa sheegay in ciidamadaan ay dileen 23 ruux oo isugu jira Haween, caruur iyadii dadkaasi maanta aasayo. Dadka la dilay ayuu sheegay in loogu tagay halkii ay deganaayeen iyaga oo jiifa, deegaankaasi oo lagu magacaabo Laga-hidda.

Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowadda Federaalka Soomaaliya in ay soo fara geliso arrintaan, islamarkaana ay la xisaabtanto dowladda Itoobiya, maadaama ciidamadaasi ay iyaga hoostagaan.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment