3519 Views

R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Kenya

____________________________________________________________________________

133-600x264

Muqdisho, November 08, 2015 –Madaxweynaha Kenya, Uhuro Kenyatta ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo uu kula kulmay aqalka  madaxtooyada ee Harambii House ee Nairobi.

Kenyatta ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ay uga hadleen arrimo badan oo quseeya labada waddan.

Wuxuu yiri “Waxaan la kulmay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, annigoo kula kulmay aqalka madaxtooyada ee Nairobi”

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale in ra’iisal wasaaraha uu kala hadlay xiriirka u dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoona hadalkiisa intaas ku daray in ay isku raaceen in loo baahan yahay siddii loo dhisi lahaa guddi si mideesan u wadashaqeeya kuwaasoo diirada saara arrimaha quseeya labada waddan.

Sidoo kale madaxweynaha Kenya iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalaldda ammaanka Soomaaliya iyo tan gobalka.

kulanka ayaa yimid iyadoo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay booqdeen Jimcihii xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee waddanka Kenya halkaasoo ku nool yihiin dad tiradooda lagu qiyaasay nus malyuun kuwaasoo u badan Soomaali.

Dowladda Kenya iyo Soomaaliya iyo hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan UNHCR ayaa heshiis seddax geesood ah ku gaaray Nairobi iyagoona isla gartay in si iskood qaxootiga Soomaalida ay dib ugu soo laabtaan waddanka.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay doorka Kenya ee ku aaddan xasilinta Soomaaliya.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment