4725 Views

Haweeney lagu dilay suuqa Bakaaraha

____________________________________________________________________________

 bistol-195x110Moqdisho, November 19, 2015 — Nin dhalin yara ah oo ku hubeysnaa bastoolad ayaa toogasho ku diley haweeney ku sugneyd suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Dilkan oo ka dhacay suuqa ganacsiga Daawada ee Bakaaraha ayaa la sheegay in ay ku soo baxeen ciidamo nabadsugid ah kuwaasoo ayagana toogasho ku diley ninkii dhalinyarada ahaa ee dilka geystey.

Haweeneyda la diley ayaa magaceeda la oran jiray, Ubax Cali Dhubad waxayna ka mid ahayd dadka ka adeeganayay suuqa Bakaaraha.

Ilaa hada lama oga sababta keentay in wiilkan dhalinyarada ah uu dilo Ubax Cali Dhubad, hase yeeshee waxaa lala xiriirinayaa wiilka ka dambeeyay dilkan, inuu ka mid ahaa ururka Alshabaab.

Waa markii ugu horeysay muddo bilooyin ah oo qof dil ka geysta suuqa Bakaaraha la toogto goobta uu dhibka ka geeystay.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment