3816 Views

R/Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Bulshada Baydhabo.

R/Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Bulshada Baydhabo.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 19, 2015 — Raisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarrke oo shalay socdaal ku tagay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa kulamo la leh qaybaha Bulshada gobolkaas, kuwaas oo ku hawlan sidii ay u soo Xuli lahaayeen Xildhibaanada Maamulka Koofur galbeed ee Soomaaliya.

Iyadoo Raisul-wasaaraha iyo Xubnaha la socda oo Wasiiro iyo Xldhibaano isugu jira ay halkaas u tageen sidii Bulshada gobolka ay ula fududayn lahaa shaqada soo xulista Xubnaha ka mid noqonaya Barlamanka Dowladd goboleeddka Koofur galbeedd Soomaaliya si loo dadajiyo shaqada Baarlamanka Maamulkaas.

Mudane Cumar C/rashiid Cali iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in socdaalka ay ku joogaa gobolkaas uu qaato ilaa 3 maalmood, waxaana maanta ay u tahay maalintii labaad oo uu halkaas ku sugan yahay.

 

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment