3774 Views

“Dadka ka soo jeeda Somaliland ee Xamar ku shiray xaq bey u leeyihiin inay fikirkooda dhiibtaan”

“Dadka ka soo jeeda Somaliland ee Xamar ku shiray xaq bey u leeyihiin inay fikirkooda dhiibtaan”
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 25, 2015 — Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho inay fikirkooda dhiibtaan, isagoo meesha ka saaray inay matalaan Somaliland iyo axsaabteeda siyaasadeed.

Gudoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal gooni isaga taagay Soomaaliya inteeda kale, isla markaana muddo 25-sano shaqeyneyso, nidaam dowladnimo leh, iskuna filan, isla markaana nabadgelyo ah, isagoo xusay in shaqsiyan uu u taageersan yahay in dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee Muqdisho ku sugan ay shirarka ka qeyb galaan, fikirkooda ka dhiibtaan.

“Somaliland wixii quseeya ee dan ka leh Muqdisho ma tagaan ee Hargeysa ayay yimaadaan oo ah Caasimada Jamhuuriyada, dadka jooga Xamar asal ahaan Somaliland ayay ka soo jeedaan, xaq bey u leeyihiin inay meeshey doonaan tagaan, fikirkooda iyo ra’yigooda ay dhiibtaan, laakiin ma ahan go’aan Xisbi Somaliland oo kale”ayuu yiri Eng. Feysal Cali Waraabe oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ku booriyay dadka ka soo jeeda Somaliland inay iska diidaan nidaamka wax qeybsiga beelaha 4.5, isla markaana hadii wax la qeybinayo lagu qeybsado sidii Koofur iyo waqooyi ee lixdankii sida uu yiri.

Shir ka dhacay magaalada Muqdisho 22-kii bishan ayaa waxaa isugu yimid bulshada ka soo jeeda Somliland ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas looga hadlayay hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2016 iyo nooca doorasho ee la qaadan doono.

Gobolada dalka ayaa waxaa ka dhacay shirar lagu uruurinayo aragtida shacabka ee ku aadan nooca doorasho ee la qaadanayo sanadka 2016, waxaana la filayaa kulamada wada tashiyada socda go’aanada ka soo baxa la soo bandhigo bisha December ee sannadkaan dhamaadkiisa.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment