3582 Views

Gaalkacyo, Gaas iyo Guuleed 3G

Gaalkacyo, Gaas iyo Guuleed 3G

 

By Bashir X. Xirsi | Muqdisho | QOL | November 30, 2015 – Islaan magaceeda la oran jiray Roobeey, ayaa waxay laheyd 2 wiil, oo mataano ah, weliba mataanaha aan muuqaal ahaan la kala garan marna. Duq Roobeey waxay mataanaha ku soo korisay agoonnimo, oo aabbahood wuxuu dhintay iyagoon socodba gaarin, dadka dariska la ahina waxay ugu yeeri jireen “MATAANO ROOBEEY”.

Mataanihii waxay noqdeen kuwo aad u dhib badan, oo xaafaddii nafta u keenay, guryaha dariskana tuuryo iyo dhagaxayn ku harqiyey, carruur dilowna ay u dheer tahay. Duq Roobeey waxaa ku batay dacwadda dariska, markaa ayey billawday inay dadka dariska ah ee u soo dacwooda inta mataanaha soo hor joojiso/istaajiso qofkii ka dacwoonayay weydiiso labada kan uu yahay key ka dacwoonaayaan. Markii qofkii dacwada qabay uu kala garan waayo kuna wareero kala saarkooda ayey Roobeey sidaa ku samirsiisaa.

Islaan kaloo dariska aheyd, oo dhowrjeer ku guuldarreysatay inay kala saarto mataanaha (kan ay ka dacwooneyso iyo kan kale) ayaa maalintii danbe gurigeeda si xun loo shiiday (tuuryeeyay), oo waxay aragtay mid ka mid ah mataanihii oo gurigoodii ku sii cararaya. Markeey Roobeey u timid, una dacwootay ayay sidii caadada u aheyd soo saftay labadii wiil, oo weydiisayay inay caddeyso kan soo tuuryeeyay! Islaantii dacwada aheyd oo aan dooneeyn in maanta la shaki galiyo, ayaa waxay soo istaagtay; “HA I WAREERIN KALAMA ROONA MATAANO ROOBEEYE!”. Hadda, waa; “HA I WAREERIN, KA LA MA ROONA GAAS iyo GUULEEDE!”

Gaalkacyo, magaalo ka mid ah, magaalooyinka ugu ayaanka daran dalkeenna, dhan walba. Magacxumo, muuqxumo, maamulxumo iyo maadigaa yiri!

Magaalooyinka la is ku dilay, ee dagaal beeleedyadu aadka u sameeyeen waxa Muqdisho Ceer Gaabo, Burco, Baladweyne, Kismaayo imk, haddana, Gaalkayo, magaalo maanta la mid ah ma jirto.

Gaas wuxuu ku dhashay Dusmo Reeb, xarunta maamulka Galmudug, ahna caasimadda gobolka Galguduud, haddana, xarunta maamulka uu ku dhashay, ayuu duullaan ku soo yahay!

Guuleed, wuxuu ku dhashay Baladweyn, caadimadda gobolka Hiiraan, haddana, waa kaa Gaalkacyo dagaalkeeda dhinac ka ah!

Ka sokow, in labaduba aysan ku dhalan, mid qoys, ubad iyo xaas ka deggan yihiin ku ma jiro, oo waa wada soo gelooti shalay u tagay, doorasho been ah iyo xiljacayl, ka dib, markii ay ku soo fashilmeen maamulka dawladda dhexe, oo midna loo dooran waayey madaxweyne, kan kalana uuba xilkii is ka casilay!

Gaas, Maraykan iyo wuxuu ka yimid ka kor badweynta Atlaantigga, halka Guuleeed ka yimid Muqdisho xaruntadala. Labada ma gudbe, mid intii burburku jiray, dagaalladu socdeen, balaayo abuurneed baasku taagnaa, maalin waqtigiisa ka mid ah ku lumiyey ma jiro Gaalkacyo, oo mid walbaa, wuxuu ku raaxaysanayey gurigiisa iyo gayigaa uu ku noolaa, Guuleed haba joogo magaalo colaadeede!

Malaha dagaalkan, ka sokow, fashilkoodii hore, ee badi dadku hilmaameen, waxay ku qarinayaan, fashilka hadda ka haysta hoggaanka labada maamul beeleed, ee ay ka la hoggaanshaan?.

Gaas, sidii uu u qabtay maamulka, waxaa hoos u dhacay haybaddiisii, oo dagaallo beeleed, gadood malleeshiyo, iscasilaad guddooniye baarlamaan, mooshinno isgarab socda iyo waxaa hareeyey muwaafaqo la’aan, halka Guuleed, maalintii la doortay, illaa maanta, uusan wali tegin xarunta maamulkiisa, ee Dusmo Reeb, oo ay haystaan xooko fallaago ah iyo wadaaddo hubaysan.

Labo FAASHIL, oo fidno iyo ka dhex wada fasahaad, beelo iyo bulsho is ku baal iy baab ah, haba ka la darraadeene, haddana, waa baaba’ hor leh iyo bas beel!

Dawlad FASHILANTAY, waxaa dhashay BULSHO FASHILAN ama FASHILANTAY, sida dawlad FASHILANTAY ay u dhasho URUR ama HAY’AD FASHILAN! Haddaba, ma dhihi karraa, fashalka dhan, waxaa dhalay, beelo fashilan, maadaaama bulshadeennu beelo ka kooban tahay?.

Gaas, asaga ayaa afkiisa laga hayaa; “PUNTLAND MAALIN WALBA AALKOLIISTAY GUURSATAA!” hadal qiimo dhac ah, haddana, marka laga soo tago, hoggaankii hore ee maamulka hagi jiray, ee uu ku tilmaamay AALKOLIISTAYAAL, yaa AALKOLIISTE ah, isaga, mise, iyaga? Intii ka horraysay marka laga reebo Cabdullaahi Yuusuf, Aabbaha xerta Xabashida, oo uuba taageero weyn u ahaa, dagaal beeleed oo ay galeen, oo la sheego loo ma hayo, isaguse dhexda ayuu uga jiraa, walibana, wuxuu rabaa, in uu sheegto bare iyo barbaariye? Ma barbaaarta ayuu rabaa, in uu dagaal ku barbaarsho ama baro? Bulshoow, ubadkiinna, kuwa barayaasha u ah, dib ha loo eego fadlan.

Dagaal dhaca, dhimasho, dhaawac, qax, barakac iyo hantu burburta un buu dhalaa, ma filayo, inay jirto dad uga aqoon badan reer Gaalkacyo gaar ahaan iyo guud ahaan reer Mudug, haddana, nin baa raba, maanta oo la marayo 2015ka, in dagaal beeleed iyo dirir qabiil uu horjeege ka noqdo, walibana, uu taageero ku helo, sokoena, aqoon sheegto!

Rag Calooshi la ciyaar iyo ciil ka ma karaa ugu daran! Oo ah arrinta ka socota Gaalkacyo, maxaa yeelay, waa hubbanti, in mar uun la heshiinayo, haddana, ka hor, waa in ay dhintaan dhallinyaro, barbaar iyo kurayo aan waxba galabsan, aan ka ahayn, in beel baas ka dhasheen, ogaal iyo dookh la’aan.

La yaabka ah, in wali aan la garan aragtida ah, in kan beesha dagaalka galsha, aan loo arag fidna wade, eeba la sii dallacsiinayo, heer loo aqoonsado halyeey iyo hoggaamiye! Qof ku dilay, kugu dilay walaalkaa, kugu diray dariskaa, kaa dilay dantaadii, in aad u garato guddoon, ma jirto gunnimo ka weyn, haddana, dadka sidaa u dhaqmaya, waxay isu haystaan gob, aan laga gobsanayn, may, iyagaaba dadka ugu gobsan! Magan!

Dhanka kale, waxaa la yaab leh, danta ay garteen laba jabhad, laba dagaal ooge, laba qabqable, laba gacan ku dhiigle, laba macangag, ee ay garan waayeen laba HAL AQOON iyo Prof sida lagu sheego. Run ahaantii waa ayaandarro iyo dhabarjab weyn.

Dagaalka Gaalkacyo, wuxuu uu ku billowday, waxaa ka weyn, waxa uu salka ku hayo, oo uu dabasocdo, aniga sida ay i la tahayna afar arrin ah:

1- Aano qabii, dakano beel iyo uurgunud hayb, oo qarniyoyaal ahaa, micnaha beri hore u dhacay, walina qaarkood dhacayaan.

2- Heshiiskii labo Cabdiwali, ee ahaa, in Mudug iyo Gaalkacyo loo ka la qaybiyo qabiil! Laba Cabdi Wali waxay ka la saxiixdeen sedbursi kii ugu foolxumaa, maxaa yeelay, is weyduuntu ma ahan dhaqanxumadooda oo kali ah, ee waxay taabanaysaa wixii ay soo xarxarriiqeen iyo sida waaqica dalku yahay! Natiijadii hadda ayaan haynnaa heshoodkooda.

3- Dhismaha maamulka Galmudug, ee waaqica noqday, isaga oo ka qaraweyn kii uu hore u ahaa magac, muuq, maamul iyo meegaar, oo malaha Gaas, ka degi waysay, heer, uu marar badan ku celshay, in uusan aqoonsanayn, aqoonsanna doonin! Yaab, yaa aqoonsi uga baahnaa, goor ma ayuuse aqoonsiga maamullada bixin jiray? Qofku waxaa fiican, in uusan kabtiisa ka dheeraan, ee uu ku jin ahaado! Intaa ku ma ekaysane, wuxuu ka baxay shirar dhawr ah, oo ku saabsanaa higsiga 2016ka, oo ka la dhacay Kismaayo, maalintii carun shubka Axmad Madoobe, iyo mid ka dhacay Muqdisho, halka uuba ka baaqsaday mid kale oo ka dhacay is la Muqdisho, isaga, oo taageero beelaysan ka helay Axmad Madoobe!

Heshiiska laba Cabdi Wali maxaan loogu qeexin xuduudka kale, ee  Puntland ay la leedahay, ee Waqooyi, ee loogu gaar yeelay kan koofureed? Maxaa yeelay, waxaa jira muran aan ka jirin dhankan heshiiska beeleed lagula degdegee. Ma waxay xuduud la leedahay beesha Waqooyi, ee Somaliland, mise waxay xuduud la leedahay Khaatumo State?.

4- Dhismaha garoonka cusub, ee Galmudug, oo la yiraa, OSHACO, oo Gaas iyo guruubkiisa, marar badan is ku dayeen, in ay diyaaradaha ka hor istaagaan, in ay ku soo dagaan.

Ujeedku wuxuu yahay, Gaalkacyo iyo Mudug, inta labo beel ay u ka la qaybsan tahay, una ka la qaybsanaahe, mar walba, waxaa lagu noolaan cabsi iyo wadna kurkur!

Sida muuqata, 3Ggii hore, yacni 3dii jiil, ee hore, waxba waa qaban waayeene, bal 4G ha lagu dayo, oo aan hubo, in ay ka smartsan yihiin, ka aragtisan yihiin, ka bisayl badan yihiin, ka baruurug badan yihiin, ka beel dumid badan yihiin, ka baroor yar yihiin, ka buuq yar yihiin, ka been yar yihiin, ka beelaysi yar yihiin, ka boob yar yihiin, kana baas yar yihiin.

Ogoow, dhan walba, aqoon, ogaal, aqool, arag iyo agabba, waxaa ku socda, hormar ballaaran, marka laga reebo hannaanka beelaysigeenna, oo aad mooddo, in uusan halkiisii ka dhaqaaqin, haddii uusan dib u laaban!

Xalku wuxuu ku jiraa, wadahadal, tanaasul, wadaag, walaaltinnimo, soomaalinnimo iyo darisnimo, wixii ka soo hara, waa halaaggeenna iyo hooggeena, ee yaan laga shaqayn fadlan, waliba, kuwo berri marka xilka ay dagaan ama laga qaado, iska bixi doona, oon dib loo arki doonin, yeysan dhallinta naga dhammayn dhurwaayadu!

Wixii Soomaaliya ka dhaca, waxaa eeddeeda iska leh marka Soomaalida laga soo tago saddaxda kala ah; Nicolas Key (Nacdoon), Gabre (Gumaade) iyo Maxamed Cabdi (Afeey).

Mudane walba oo na soo mara wax baa lagu xasuusan doonaa. Siyaad Barre (AABAHA BURBURKA SOOMAALIYA)! Cali Mahdi sabab u noqoshadii dagaalkii sokeeye, ee afar biloodka iyo wixii ka dambeeyey, ka dib dhismihii dawladdii Maanafesto. Caydiid Kabiirka qabqablayaasha iyo dagaal oogayaasha. C/qaasim Afar iyo bar iyo beelaysi awoodda loogu qaybsado si qayaxan. C/laahi Yuusuf Abbaha Xerta Xabashida iyo Xasuuqa iyo Jabhadka ugu cimriga dheer iyo fidniada fenderaalka. Shariif Aayado been ah, Jihaad aan jirin, Janno bug ah. Xiirane “Cabdiwali iyo Xasan degmo iyo gobol ka la qaybsan, damjadiidna u dheer tahay. Gaas iyo Guuleed, dagaalka Gaalkacyo iyo guhaaddiisa, sidoo kale ka la qaybsanaanta magaalada iyo gobolka. Kuwa iman doona maxaa laga fishaa? Idinka lee waaye.

.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

______________________________

 

Share This Post

Post Comment