3372 Views

Waxaan olole u geli doonaa sidii Maxkamadda Caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

____________________________________________________________________________

medium_RomaF7tDIGAD special envoy to Somalia, Mohamed Abdi Afey

Muqdisho, 6 December 2015: Amb. Maxamed Cabdi Afey, oo ah Ergeyga Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in ay dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya, si loo helo la xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo dadka dambiyada dagaal ka gala shacabka Soomaaliyeed.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayuu Mudane Afey sheegay in hadii hore loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ka dhaca Soomaaliya in aanay dhici laheyn in shacab la xasuuqo.

“Hadii Soomaaliya la helin si toos ah inay maxkamadda adduunka u fara geliso, nin walba dagaal abaabula oo shacabkiisa laaya, sida Madaxda Afrikada kale loo ciqaabo hadaan Soomaaliya loo ciqaabeyn, ma joogsaneyso xasuuqa shacabka”ayuu yiri Danjire Afey.

Danjire Afey ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in hadii horay loo heli lahaa cid loo maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee ka dhacay Soomaaliya aanay sii socon laheyn dhibaatooyinka mararka qaar soo laabta

“Hadii dagaalkii Gaalkacyo faraha looga qaadi lahaa todobaad gudihiis, waxaa hubaa in magaaladaas aan shacab loogu imaan laheyn, wax barakacay iyo wax dhamaaday ayay noqon lahaayeen, hubkii dadka dagaalayay isticmaalayay marka la fiiriyo, oo la mid ahaa kuwa lagu isticmaalayay Suuriya oo kale, hubkaas la isku baabi’inaya”ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka uu u soo jeediyo wixii hada ka dambeeya in olole xoog leh loo galo in Maxkamadda caalamiga ah inay xafiis ka sameysto Soomaaliya, isla markaana baaritaan joogto ah u sameyso, marka ay dhacdo in shacab la xasuuqo, cidii lagu helana markaas Maxkamad la soo taago.

Danjire Afey ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in laga bilaabo baaritaanka dagaalka Gaalkacyo, marka shacabka magaalada degan ay heshiiyaan

Mar wax laga weydiiyay heshiiskii Gaalkacyo iyo sida loo dhaqan gelin karo ayuu sheegay in loo baahan yahay in dib u heshiisiin qoto dheer laga dhex sameeyo shacabka, si aanay u soo noqon dhibaato kale.

Sidoo kale waxaa uu is weydiiyay sababta Ciidamo ka socda dalalka deriska u joogaan Soomaaliya, iyadoo ciidamo iyo hub tayo leh ay heystaan Ciidamada Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay dib u heshiisiin rasmi ah shacabkeeda ka dhex sameyso, isla markaana ciidamo qaran dhisto.

“Anaga markii aan tagnay Gaalkacyo waxaa ku soo aragnay ciidamo iyo hubka tayo leh heysta, waxaa is weydiinay sababta ciidamo ka socda dalalka deriska iyo AMISOM u joogaan Soomaaliya, iyadoo ciidamo iyo hubkaas inta la eg heysato Soomaaliya, aniga waxaa is dhihi hubka tayadaas leh waxay ku difaaci karaan dalkooda, Shabaab iyo cadawgooda ayaga ku filan”ayuu yiri Maxamed Cabdi Afey.

Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka mid ahaa Madaxdii ka socday Beesha caalamka ee ka qeyb qaatay dadaaladii nabadeed ee lagu dhex waday Maamulada Puntland iyo Galmudug, kaasoo heshiis afar qodob ka kooban oo colaada lagu soo afjaro ay wada saxiixeen Madaxda labada maamul, in kasto an la isku hallayn karin.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment