4137 Views

War Caga Juglayn ah ee ka soo yeeray Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaad

War Caga Juglayn ah ee ka soo yeeray Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaad
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16 December 2015: Guddoomiyaha Maxamada Darajada 1aad ee Dowladda Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxkamadda ay ka digeyso Saraakiisha Ilaalada Degaanka ee loo xil saaray Canshuur qaadista,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay wax isdaba marin sameeyaan, ayaga oo xadaaya lacagta Canshuuraha ay dad ka qaadaan.

Shuute ayaa waxaa uu sheegay in Lacagta Canshuurta ah ee laga qaado shacabka loo baahan yahay in iyaga dib loogu celiyo,waxaana uu ka dgay Ciidan Warqadda lacag qaadistaba aan siin dadka lacag ka badan tii loo dirayna qaada,kuwaas oo aan Lacagtaasi dib ugu soo celin Qasnadda Dowladda.

Waxaa uu dalbaday in Saraakiisha ku kacaya falkaasi laga soo eedeeyo Xeer ilaalinta si Dambigaasi loogu soo oogo Maxkamaddana loo saaro.

Shuute ayaa intaa ku daray in dadka arrintan lagu soo eedeeyo aan loo fiirin doonin dambi fududeynta,balse kuwa dambiga cusleeya lagu qaadi doono in ay ayaga ugu horrey-doonaan.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment