6510 Views

Suxufiyiinta ku nool B/weyne oo maanta doortay Hogaan Cusub

Suxufiyiinta ku nool B/weyne oo maanta doortay Hogaan Cusub
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 25 December 2015: Suxufiyiinta ka howlgala Warbaahinta Maxaliga ah iyo tan Caalamka, ee wakiilada ku leh Gobalka Hiiraan, ayaan maanta magaalada Baledweyne ku doortay hogaan cusub Gudoomiye,Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghayn.

74 Suxufi oo kulanka soo xaadiray ayaa cod gacan tag ah waxaa ay ku doortay madaxda mudada 12ka bilood ee soo socota.

Jamaal Cali Cabdi,Cismaan Aden Careys iyo Saadaq Cumar Carte ayaa waxaa ay isu soo taageen Qabashada Xilalka Gudoomiyaha ku xigeenkiisa iyo Xoghayaha Ururka.

Wariye Jamaal Cali Cabdi oo u taagnaa xilka Gudoomiyaha Ururka ayaa wuxuu helay 40 Cod Cismaan Aden Careys oo Gudoomiye ku xigeenka u taagnaa wuxuu helay 34 Cod halka Saadaq Cumar Carte uu u sharaxnaa Xogheynta uu helay 22Cod.

Doorashada oo aheed mid ay si weyn uga soo qeybgaleen Wariyaasha ka howlgala Magaalada Baledweyne ayaa waxaa soo dhaweyay Maamulka Gobalka oo ku tilmaamay talaabo ay saxaafada hore u qaaday.

Waa markii ugu horeyay ee saxaafada Gobalka Hiiraan ay yeelato hogaan ay ku mideysantahay.

Jamaal Cali Cabdi oo loo doortay Gudoomiyaha  Cusub ee suxufiyiinta Gobalka Hiiraan, ayaa goobta ka balan qaaday in uu tababro xirfadeed oo sare loogu qaadayo u furi doono Gabdhaha iyo Wiilasha Dhawaan ku soo biiray Saxaafada ee doonaya in xirfada suxufinimo ku soo biiraan.

Wariyaasha-2

Wariyaasha-5

Wariyaasha-6

Wariyaasha-14

Wariyaasha-15

Wariyaasha-18

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment